2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa
xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
Ismaandhaafka Abaanada

Cadka rag isku raacay waa hunguri

By Hamud Duale

Akhristo  maanta adigu inoo ducee ma haleelayee, intaa ka dib war buuran ma hayo waxa
darana ma hayo oo kuwii sheegi jirey ee loo igmada toosinta  iyo dhaliisha ayaa shaakalay
debnahoodii.

Todobaadkan warbaahinta waxaa hadheeyey (Kow)
Warar ku saabsan Kheyraadka badda, beriga iyo uur ku jirta sida macadanta iyo biyaha (haye),
iibintoodii ayaa murano ka dhasheen (kow)
Maalqabeenkii Somaliland ee ka ganacsan jirey xoolaha nool (hee)
Way kacasan yihiin(kow).
Ganacsatadu waxay keeneen baa la yidhi maalqabeeno carbeed(kow)
Kuwaas oo ay iyagu Abbaan u yihiin (kow)
Dawladduna waxay keensatay nin ay iyadu Abbaan u tahay (kow)
Oo la yidhaa Al-jaabiri (haye)
oo ay hore ula gashay heshiis(kow)
Ganacsatadu waxay fileysey in qandraas la bixinayo (kow)
Oo la tartamayo (haye), oo hab dawladeed la marayo (kow)
may garanba in dawladdu ay Al-jaabir Abbaan u tahay(haye), oo weliba bilaa mucaarid
tahay(kow)
Dabadeed ganacsatadii waxaa lagu yidhi Carabkiinu waa saalax baaxuur(kow)
Naf ma laha (haye), Al-jaabiri baa ka wanaagsan (kow)
Reer miyigii neefkan madax madow leh,  wateyna wuxuu yidhi(hee)
Madaama aan dawlada aqoonsi haysan dawlad kale lama xaajoon karto(kow)
Gar bay u leedahay in ay Abbaan u noqoto Al-jaabiri (kow) oo xoolaha suuqgeliso(haye), annagu
adhigayaga dawladda ayaanu ku aaminey (haye), iyada ayaa wax nagu soo celineysa (haye)
iyada nabada sugaysa(kow), Ganacsatow waxba idinka idinkama soo noqdaan(kow) ree miyiga
waa ka faantaan (kow), dalka maal ma gelisaan (Kow), oo hebelbaa  mashruuca galayda iyo geed
gaabka maalgelinaya weligayo maanu maqal(haye) Caafimaadka iyo tacliinta gacan kama
geysataan, (haye) cashuurta in aad bixisaan waxaad ka jeceshiin in aad wasiirka laaluushtaan
(kow), wasaarada daaqa, xoolaha iyo reer miyaga waxba kuma tartaan, mana taqaaniin. Dalka
waxaad taqaanaan dekedda oo keliya(kow) iyadana ma dhisataan (waa runtii), qaarkiin baa
magaalooyinkii dhiska masaajidada ku tartama, laakiin reer miyigii xoolaha ku tabcayey mawlac
umma dhistaan(haye), ajarna waad ka heli lahaydeen(haye), isaguna intaa iyo kheyr buu
sheegay (waayahay),

Ninkaa reer miyiga ah mooyaane cidna ismaandhaafkaa erey kama dhiiban (kow)
dhaqaalayahan hadday tahay, haday axsaab mucaaridka ah tahayba iyo hadday warbaahinta
tahayba (waa yahay), isaga laakiin ganacsatadii ku dhoobaystay oo xataa ku yidhi haddaad wax
kale garan weydeen ma waxaad garan weydeen , sakada iyo sadaqada  isku daroo,  sannadba
beel ceel u qodo xoolu ka cabbaan, ilayn wadinkan ka ganacsanaya eh.

Akhristow, maxaa kale ee aan maqlay-haa- sheekadan abbaanada ayaa I xusuusisaye , waxaa la
yidhi beri hore magaalada Berbera waxaa ka dhacay dagaal la odhan jirey dagaalkii
Abbaanada(kow) dawlad ma jirin berigaa, beelo ayaa lahaa kala maamula duwan (haye),