2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
|
Cadka Rag isku Raacay waa Hunguri
Ballaayo iyo Saancad ma taagna (kow)
Bashbash iyo Barwaaqana ma hayno (kow)
Qaybtiibtii 3aad
By; Hamud Duale
In aan inoo duceeyo
Ilaahayow wadaada shaqlan sharkooda naga hay, kherkooda na sii Aamiin
Faatax –Muxamed- CSWS
Akhristow Kow dheh (kow)
Ballaayo kuu sheegimaayo ( Waayahay)
Barkhad hadalkeedba daa (Kow)
Ballaayada dawladaa nec (kow)
Berkhadana mucaaridkaa neceb (haye)
Markay shuraakoobeena ha la kala aamusaa la yidhi (Waa koow)
Waxaa ka sii daran Warbaahinta Axsaabta la kala safan yihiin (hee)
Midna balaayo sugayo (kow)
Midna Barkhad buu sugayo (hee)
Dalka waa la kala leeyahay (kow)
Iyo dooga soo baxay(waa yahay).
Warbaahintuna waa sidoo Kale (kow)
Maqaal buu badh daabici, badhna ka tegi (waa yahay).
Aan warkii Axsaabta aan midoobin laakiin shuraakoodey u soo noqdee(hee)
Weli Jeegii waa la sugayaa (kow)
Muu soo dhicin baa lala leeyahay (kow)
Sidaa daraadeed weli heshiisyadii (hee)
Waa loo hogaansan yahay (Kow)
Deero, deero ma hirdido (kow)
Beeshii waa nabad (waayahay)
Maalin dhaweyd shaqaaqo (hee)
Ayaa dhexmartay Ucid iyo Dawladda (Kow)
Faysal Cali Waraabe baa abraaray (kow)
Dawladduna way ku gadoodey (haye)
Faysal wuxuu saluugey martiqaadkii M/weynaha Jabuuti (kow)
Waxay ahayd buu leeyahay in uu shirkada axsaabta uu wada martiqaado(kow)
Oo hadday quraac sharaf tahay, hadday tahay qado sharaf iyo hadday casho sharaf,(kow)
Madaxdii shirkada Axsaabta qaranku ay wadaagaan oo u wada joogaan bay ahayd (kow)
Waxay ahayd in dhinaca Jibuuti la isku raaco, sidii Dhinaca Kiiniyaba la iskugu raacay
heshiiskii kadib, oo Axsaabtu is weheshato wax hel iyo wax waaba (kow).
Dhinaca Jabuuti dawladda oo keliya ayaa tagtay (kow)
Faysal wuxuu yidhi nama qabato taasi, ee bal ina Cuma Geellow Car, Car, Car , Car Car, Car Car
Car noogu kaalay Hargeysa, Car noogu kaalay Hargeysa, Car Car noogu kaalay Hargeysar(kow),
Waxaa igu maqaala ah markuu sidaa lahaa hogaamiyuhu wuxuu gacantiisa bidix far iyo suul ka
mid ah ku hayey Caarada yuuban ee dhegtiisa (waayaha)
Magaaladii Hargeysa Bari loo diid oo Burco way ka cabanaysaa , sanaagna way ka deyrineysaa
(kow)
Galbeedna Faysal baa uga dheertay in aanay soo bariidin Hargeysa (kow)
Iyaduna waxay leedahay: Uunka ha iga didin yaan Ibleys dawyo kaa ridiney (waa yahay
Waxaa iyo waxsan ayaan kaaga waramayaa (kow)
Baalo iyo saancad ma taagna (kow)
Bahsbash iyo barwaaqo la sheegana ma hayno(waayahaye waxaan ku leeyahay, inaadeer
waxaan ku weydiiyey, warka ii yara joojiyow Gartay in aad ree hebel tahay, ereyadaadaan ka
dhandhasaday in aad tahay Ree Jiciir Daariq bani Dacar ee waxaad ii sheegtaa Cidda aad ka sii
tahay).
Bi’ Akhristow ma intaas oo keliya ayaad warkii iiga joojisay. Sheekh Akhristow Salaadii makhrib
baa joogta, Salaada kadib ayaan kuu sheegey ciddaan ahay, bal horta sheikh inna tuki.
Gabagabeyso oo baabacooyinka boodhka saar, Shuruudaha Gabagabeysiga ha ka kala tegin ee
si fiican, ha iloobin, dhagax adag in aad ku istijooto.
In aan inoo duceeyo
Ilaahayow Khaatumadayada Kheyr ka yeel –Aamiin
Ilaahayo Berrigii hore waxaa lagu ducaysan jirey Ilahayow Madar kher qaba na sii oo xoolo
dhaqato ayaa la ahaa- Aamiin
Immika kana waxaan ree galbeedka ka baryayaa in ilaahay Jeeg kher qaba oo degdeg ah
shirkado Axsaabta Qaranka uga soo rido- Aamiin
Islaan aannu wax isku nahay ayaa igu tidhi, marka jeegu soo dhaco ee madaxdu gubeyso, ee
magaaladu ridqayso , waxaa qandraas la igu siiyey xaabada lagu shidayo iyo xaal haween oo
dhan, ilaahayow iyadana u shifee oo aanay ku balaloonin waa wadaad ree magaal ah dhaaf ahe.
Aamin
Faatax- Muxamed-CSWS
Hamud Duale
Waa innoo todobaadka danbe