2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa
xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) Waa Aabbaha  J/Somaliland

Hamud  Duale

Ururkii SYL ee u soo halgamey gobanimadii Somaliya waxaa asaasay 13 nin. Taariikhdana sidaa
ayaa la noogu dhigay kacaankii barakaysnaa ka hor.
Markii uu xukunka l a wareegeen ciidamada qalabka, tiridii 13ka ahaan jirtey waxay isku
bedeshey 14 nin. Waxaa la yidhi Aabaha ummadda Somaliyeed, Guddoomiyaha Golaha sare ee
kacaanka  Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa ahaa masgaxdii ka danbeysey 13ka  nin oo isaga
ayaa  hormood u ahaa asaaska. Markaasaa gidaar walba lagu soo dhejiyey sawiradii 14 nin oo
laleeyahay oo asaasayaashii SYL oo uu Siyaad Barre ku Jiro.

Sheekadan waxaa  I  xusuusiyey khudbadii uu madaxweyne  Mudane  Dahir Riyaale  Kaahin  
akhriyey  maalintii xuska 26ka Juun  oo ay ka soo wareegtey 48 sano.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aan Somalilaand Cigaal Hortii Jirin, oo isagu wax ka dhigay
maamulana u dejiyey. Taasi oo dulucdeedu tahay aniguna masgaxdii ka danbeysey baan ahay,
oo waxaan ahaa M/xigeenkii.

M/weynuhu in uu tiisa sheegto waxba kama qabo, laakiin waxaan doonayaa in aan xusuusiyo in
alla ha naxariistee Abdiraxmaan Axmed Cali yahay Aabaha J/Somaliland oo waa
Madaxweynaheedii ugu horeeyey, taariikhdana laga saari Karin maayo.

Abdiraxman Axmed Cali wuxuu ku soo barbaaray gurigii Aabaha waxbarashada Somaliland
Mudane Maxamud Axmed Cali, markaa   Abdiraxman laba jeer ayuu Aabbe u yahay Somaliland.  
Aqoonta siyaasada ab iyo isir buu u lahaa oo wuu ku abtirsadaa.

Cabdiraxman marxalladii ugu adkayd ayuu Somaliland ku soo beegmay, Cigaal wuxuu kala
wareegey iyada oo sidii dhaanta oo Cabdiraxman iyo kooxdii la shaqayneysey ummaddii
maryaha dhiigale kala furatay ay soo heshiisiiyeyn.
Aan si kale u dhigo bal in uu madaxweynuhu sannadka  danbe xuska khudbadiisa ku daro
Cabdiraxman Maxamud Cali.

Waxaa igu maqaalo ah M/weynuhu muu ahayn dhagar qabe dhulku u dhaqdhaqaaqaye,  laakiin
xilligii Cahdiraxman talada hayey,  wuxuu dalxiis ugu maqnaa Laascanood, markaa xaalladeeda
lamuu soocon . Wuxuu ku soo laabtay markuu Cabdiraxmaan kala dejiyey,  islamarkiibana
ganacsi ayuu  ka bilaabay. Somaliland  may jirin miyuu odhanm mar haddii ammaan loo
ganacsanayey.

Cabdiraxman waxaa loo diray hashan maanta hibiqtiqlaynaysa  ee buuxisey gaawaha madaxda
ku fillan , maantiduna ka dhursugeyso bal in ay wax isa soo dhaafiyaan, iyada oo Indhala’, oo
dhega la’, oo luga la’ oo maasaar hadhaagii Siyaad Barre ka dhacdayna liqsan, afarta naasba iba
gale ayaa kaga jirey  oo midna  ma dhiiqayn.

Cabdiraxman waa ninkii kiciyey ee ragaadkii ka guray, Idhihii mid u bixiyey, dhagihiina dhukaygii
ka guray (Intuu dhukayga ka gurayeyna, Cabdiraxman ma khudbadayn jirin, waayo wuu ogaa in
aanay waxba maqleyn), afarteedii naasna, laba ayuu ku guuleystey in uu iba galihii ka saaro oo
uu gujo ku liso, maasaartiina qalliin ayuu ku sameeyey, oo guurtida ayaa  baxnaanisay, intuu
nabar ku bogsanayey.
Halkaa iyada oo maraysa ayaa ALLa ha u naxariistee  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo
Masgaxihii ka danbeeyey xilka kula wareegeen.
Alla ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim isaguna sare ayuu sii qaaday, Mudane Riyaalana
dadaalkii oo xusbiyo iyo distoor loo helay ayuu halkaa ka sii anbaqaaday, iyada oo ka dheef iyo
nabadba badan.

Alla ha naxariisto intii dhimmatay, laakiin inta nool waxaa xusuusinayaa idinka ayuu manta
tartanku idin ka dhexeeyaa, ee waxaad doontaan isdhaha, kuwa dhintayna waxay leeyihiin u qira
oo ha dafirina.

Xaamud Ducaale