2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa
xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
Cadka Rag isku raacay waa Hunguri
Warkii oo kooban

By: Hamud Duale

Ku-xigeenkii M/weyne J/Somaliland, Islamarkaana ah guddoomiye ku-xigeenka Ururka Udub,
Islamarkaana ah G/xigeenka golaha cusub ee midawga sedexda xusbi Qaran, ahna ku-sii simaha
Madaweynaha J/Somaliland ayaa  maanta oo bishu tahay  23/6/2008 soo saaray wareegto summadeedu
tahay 345/062008. Wareegtadu waxay amar ku bixinaysa, in la dhaqangeliyo Heshiiskii ay ku midoobeen
sedexdii xusbi Qaran iyo xeerarkii ay u dejiyeen ururka cusub ee ay ku midoobeen Maxaafidkii iyo
Mucaaridkii Somaliland.
Somaliland waxay doorbiday in aan xusbiyada tirada badan, ee distoorka ku qeexan, dani ugu jirin.
Waxay dan moodey in xusbi keli ka taliyo dalka oo aan isaga lala tartami Karin, dhexdiisana lagu tartami
Karin, kaasi oo ay ku bahoobeen sedexdii xusbi qaran.

Siday caadadu tahay xusbiga keliga ahi,  dalka wuxuu ku maamulaa Wareegto amma digreeto waagii
beryaba ka soo kalahda guriga madaxdtooyada ee  dalkaa iyo madaxda sare.  Madaxweyne
ku/xigeenkuna isaga oo taa ka duulaya wuxuu soo saaray wareegtadii ugu horaysey ee amaran lagu
siinayo guddiga fullinta ee Somaliland.

Heshiiskii Axsaabta Qaranka kadib, Golihii Wakiiladda Dadweynuhu wuxuu Isku bedeley Golaha Cusub
ee Midowga Axsaabta Qaranka oo wuxuu duuduub ku liqay midhihii darayga  ee in la hubsado u
baahnaa. Wuxuu ansaxiyey Heshiiskii Axsaabta
Iyo go’aamadii sedexda xusbi Qaran, ee sidaan horaba u sheegay aan waafaqsanayn distuurka  Qaranka.

Golihii Guurtidu, mar haddii distoorkii digreeto lagu bedeley, madaxdii sare ee xusbigu way ka
maarantay oo heshiiska ayaaba salkiisu ahaa Axsaabta Qaranku maadaamaay is afgarteen in ay qodobada
distoorka ee aan iyaga anfacayn iyo golayaasha ku salaysanba laga gudbo.

Warkii oo fidsan iyo todobaadka danbe

Hamud Duale

Akhristow, waxaan hore kuugu soo gudbiyey warkii oo kooban, oo aan u dhigay habkii idaacadaha
Somalida looga warami jirey.
Qaybtan warkii oo faahfaahsan waxaan u dhigayaa, habkaa habkii ka horeeyey ee ay somalidu warka
iskugu tebin jirtey, sidaa daraadeed markaan kuu waramayo Kow iyo waayaha  dhe, ducana waan ka
horaysiin.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Ilaahayow waxyeellada iyo sharka wadaada shaqlan naga leexi      Aamin
Ilaahayow wadaada wardiga roga kheyrkooda na sii, sharkoodana naga leexi- Aamiin
Ilaahayo Warlayaasha Jaahilka ah iyagana  waxyeelladooda na hareer mari-Aamin

Faataxa- Muxamed-CWSW.

Haddii eebbey kuu roon yahay waxaan ku sheegayaa war iyo wacaal wixii aan hayaba.

Arrin waa la diga Rogey (Kow)
Xusbi keliya ayaynu nahay (waayahay)
Foodsaarkiina dabasaar ayaa loo rogey (waayahay)
Axsaabtii qaranku iyaga oo danahooga fiirinaya way shuraakoobeen (kow)
Taageerayaashii axsaabtuna waa ul iyo diirkeed(waa yahay), Sacbaanay ku taageereen go’aamadii
madaxdii ay kala raacsanaayeen(waayahay)
Warmihii tumaatida caddaa way tiiriyeen (kow)
Qallimadii duurka ahaa ee ay warbaahinta la boobi jireen way tiiriyeen (waa yahay)
Baaqii beeluhu wuu ka suuley Baraha Internet-ka, wargeysyada iyo Idaacadaha (waa yahay), raggii iyo
beelihii ay kala raacsanaayeen (hee) ayaa lagu yidhi way heshiiyeen(waa yahay).

Kooxa ah amma axsaabta qaranka (hee) ee ka  ganacsata Siyaasada Somaliland (hee) heshiiska ay ku
shuraakoobeen(hee) waxaa  sal u ah (hee ) murtidii Boqorkii wiilwaal ee ka talin jirey degmooyinka
Jigjiga(waayahay).
Murtidaas oo ahayd Cadka Rag isku raaco amma isku dilaa waa Hunguri (Kow)
Cadka amma Hantida ay axsaabtu u shuraakoodey, waa maalgelinta deeq bixiyayaashu u qoondeeyeen
(hee) hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka (Kow).
Iyaga oo aan sugin golayaashii sharci dejinta (hee) ayay markay shuruudihii sharkada saxeexeenba,
madaxdoodii bilig yidhaahdeen (kow), Kiiniya ayay ka degeen (waayahay), waxaa igu maqaala ah (hee) in
aanay la kulmin deeqbixiyayaashii (waayaha), waxay is arkeen oo waraaqo ka saxeexay dilaalintii deeq
bixiyayaasha ( waayahay), kuwaas oo ku wargeliyey saxeexii kadib (hee)  in si lacagta loo soo daayo
(hee)  waraaqahan loo gudbin doono deeq bixiyayaashii(kow), jaranjarooyin ayay sii maraysaa (kow),
kadibna jaranjarooyin ayay ka soo degeysaa (waayaha), waxaa laga yaabaa bay leeyihiin in wax inna soo
gaadhaan(hee)  markay doorashada bil iyo laba ka hadhsan tahay (kow), intaa jeega la sugayo ha
dhaqdhaqaaqina(waayahay) ayaa  la soo faray (kow),  waxaa lagu soo yidhi waxaad wax ku sii wadaan
Wareegto iyo dikriito (kow), Ha noolato shirkada ka ganacsatada siyaasada madluumka Somaliland (hee)
ayaa lagu soo sagootiyey(waayahay).

Dilaalinta magacooda waxaa la yidhaa Kooxda Horumarinta Geedi Socodka Dimoqraadiyada Somaliland
(mashaa allaha), deeqbixiyayaashu iyaga ayay lacagta. u soo dhiibayaan (waayaha), iyaguna waxay
qaarkeed u dhiibayaan Shirkada Axsaabta Qaranka iyo komishanka  Somaliland.
Wacdigu iyo jilaalku meelwalba waa ka taagan yahay(Kow) ururkii bulshada ee xaafad ku taal London
(Hee) wuu ismaandhaaf (Kow) Cadkii la siin jirey ayay ku heshiin waayeen(kow) kownsulkii iyo
deeqbixiyayaashii (hee) lacagtii way joojiyeen (kow) soo heshiiya ayay yidhaahdeen(waayahay), waa la
isku maqan yahay.

Alla, wagar,  waar Saaldiiba joogta, aynu tukano,

Adigu ma wayso qabtaa oo waysadaada biyo ma ku jiraan.
Biyo iyo baad midna lamahayo, waxaanu joogaa miyigii Somaliland oo ka qatan deeqaha Caalamku u fidiyo
ee magacooda lagu helo, laakiinu waynu gagabeysan, oo waajibka salaada waynu iska ridi.


Warkaa intiisa Kale iyo faalladiisa oo lagu axadhayo arrimo badan, kala soco warbaahinta, Todobaadka
innagu soo foolle, haddii eebbe idmo..


Hamud Duale

Garaadlaawe garawga, geela, gaabanow adhi iyo geesweynta Lo’du naafaysay.