2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
|
Hashiiskii Axsaabta Qaranka Cidna Ciil lama Hagoogan
Subtitle: Maxaa la igaga faanfaani beriba waan lumiye
Qaybtii 2aad
Hamud Duale
Nin Ciil iyo Cadho qaba oo xiskiisii lunsan yahay, caqligiisu taam ma ah, tallo caaqiibo iyo
aayatiin danbe lihina kama soo fusho, waana sobobta keentay in axsaabtu ay ku heshiiyaan
qodobo aan waafaqsanayn Axdi qarameedkii, hore looga baaraan degey.
Axdi Qarameedka waxaa la sameeyey iyada oo aan la ismaandhaafsanayn, iyada oo aan ciil iyo
cadho la isku qabin, iyada oo la isku calool fayow yahay. Markii la samaynayey waxaa dejiyey
guddiyo ka madax banaan Axsaabta siyaasada ku tartamaysa, Guurti iyo Golaha wakiilada
intaba. Waxaa lala kaashaday Qareeno aqoon yahan ah oo sharci yaqaan ah. Waxaa la
waafajiyey Axdi Qarameedyada Caalamku ku kala socdo, waxaa weliba la waafajiyey
dhaqankeena iyo duruufteyna gaarka ah oo waxaa la ogaaadey in aan siyaasadeenu weli ka
bixin odayaal dhaqameed iyo beelo, kuwiibaa la ictiraafay oo Gole Guurti laga dhigay. Axdi
Qarameedka may dejin koox isku maandhaaftay Kursi oo col iyo laan deyr ahi oo dadweynuhu
ku khasbay in ay danta guud ee qaranka iyo nabada daraadeed u heshiiyaan.
Waxaa ka muuqata labadan qodob kan soo qadimaada waqtiga doorashada madaxtooyada iyo
qodobkan isdabamarinta labada doorasho, oo labaduba saacidaya ururka muxaafidka, in
ururada mucaaridku ay dhaafsadeen amma ku iibsadeen qodobka Golaha Guurtida lagu
xakamaynayo iyo qodobka ay ku sheegeen arrimaha doorashadu in ay ku koobnaadaan
sedexda xusbi qaran iyo komishanka oo keliya. Ururada mucaaridka cadhada ay u qabaan
Guurtida ayaa tallo iyo distoorka ka anbisay. Ururka muxaafidkuna dantiisa ayuu raacay oo
labada qodobada isaga way anfacayaa, kuwa kalana doorashada markuu ku guuleysto kadib
ayuu ka noqon karaa. Marka ma kula haboon tahay, akhristow in distoorka loo barbar maro,
cadho iyo dan awgeed? Ayaan lagugu cabsiin nabada ayaa qosol ku jab ah ee wax walba
ogolaw, nabadu waxay halis ku jirtaa marka nin waliba isgu axdi qarameedka degdegta ku qaato
ee la ilaalin waayo.
Wuxuu yidhi doqonkii lumay ee la soo helay: “Maxaa la igaga faanfaani berriba waan lumiye”.
Heshiiskan ay dadweynuhu aadka ugu farxeen durba kuwii saxeexay qaarbaa leh dhamaystir
ma ah. Markaad si u eegto waa runtood oo mar haddaan weli loo gudbin golayaasha sharci
dejinta ma dhamaystira. Laakiin markaad iyaga ujeedadadooda raacdo waxaa weeyi
ismaandhaafkii weli waa innoo furan yahay.
Haddaba dadweynow dareenkaagu ha la shaqeeyo distoorkii aad u codaysay ee aad ansixisay
iyada oio aanayu taagneen duruuftan ismaandhaafka axsaabtu, kaas ayaa nabada iyo
dawladnimadaba sal u ah. Waxaa kale oo aad ogaataa xusbiga danta guud ee xusbinimadiisa
ilaasha ayaa ta qarankana ilaalin karan. Laakiin xusbiga guuldarro u soo hooyato ee danta guud
ee xusbiga qorshayn kari waayaa, qarankana ma maamuli karo.