2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|
Xaraf Net marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida.
|
SOMALILAND: UL QALOOCDA HADHKEEDU MA TOOSNAADO
Sida aynu la wada socono waxaa baryahan dambe Somaliland ka socday arrimo
badan oo qofkasta oo lexejeclo ka hayso dalkiisu uu aad uga murugoodo.Kuwaas oo ay ugu
dambaysay muddo-kordhintii loo sameeyay Daahir Riyaale oo madaxtinimiisu ku eeg tahay
15/05/08. Dad badan ayaa waxa ay la yaabsan yihiin sida ay himiladii dadku maalinba maalinta ka
dambaysa u sii libdhayso oo dalkuna tartiibtartiib ugu sii siqayo tubtii burburka.
Hadii aan dib u milicsano taariikhdeenii dhoweyd waxaynu arkaynaa in dhibaatooyinka jira
maantu aanay ahayn qaar mar kaliya iska soo mudh yidhi ee ay dabada ku hayaan dhacdooyin
badan oo soo taxnaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Somaliland. Anigu waxaan qabaa mushkilada
dalka ka taagan inaanay ahayn mid hal qof ama dhowr qof ay wadaan ee waxay ila tahay mid ka
dhalatay nidaam siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo aan sax ahayn una baahan in la toosiyo
waxna laga badalo. Xal kasta oo kale oo la isku dayaana waxa uu la mid noqonayaa iyada oo qof
ay qaaxo hayso lagula daalayo dawadii qufaca taas oo aan uga jeedo cudurkii oo aan la dawayn
oo astaamihiisii in wax laga qabto la doonayo.
Waxaan qoraalkaygan si kor-ka xaadis ah uga hadli doonaa dhibaatooyinka dalkeena aafeeyay
sababaha ugu waawaeyn ee dhaliyay anigoo iskuna dayi doona inaan tilmaamo habka ugu
haboon ee looga bixi karo mustaqbalkana looga gaashaaman lahaa.
Arrinta ugu weyn ee mushkiladaha kale oo dhan ay ka farcameen waa awoodii siyaasadeed iyo
tii dhaqaale ee dalka oo hal qof gacantii ku ururtay. Taasi waxay keentay in kolba ninkii kursiga
ku fadhiyaa uu noqdo ninka dalka ugu awooda badan uguna dhaqaalaha badan oo ninkii u
nacamleeyana tuumbo u sudha hantida dadweynaha kii kasoo hor jeestana dhulka la dhaca oo
markuu doonana xidha. Natiijadii ka soo baxday nidaamkaasi khaldanina waxay abuurtay in
macaan-jecel badani ay mar walba ninka talada haya ku soo xoomaan iyaga oo dantooda gaarka
ah eeganayana khaladaadkiisana u qurxiyaan inkasta ooy ogyihiin in waxyaalaha lagu kacayaa
ay khaldan yihiin. Nin ka mid ahaa golayaashii sare ee siyaad bare ayaa la waydiiyay “Waar
niyoow maxaad dalka ugu daawanayseen intuu siyaad bare sidaas u walaaqayay?” Ninkii
wuxuu ku jawaabay “Walaahi adeer annagu wax awood ah oo aan lahayn may jirin ee
caruurtayada uun baan korsanaynay”. Bal ogow golahani guurtida ee aad la yaaban nahay go’
aamada cadaalada ka fog ee ay soo saarayaan hadii ay ka hor yimaadaan Daahir Riyaale Kaahin
ciida ayay cuni doonaan. Imisa ka horeeyay ayaa lala kacay oo aan hadana mujtamaca dhexdiisa
wax sharaf ah ku lahayn cidina u ogayn inay iyaga dartood u dhinteen. Maxaadse odayaasha
kula yaabi hadii ay isku qanciyaan inaanay awood lahayn oo ay caruurtooda korsanayaan?
Maxaase guul ah oo bulshada u soo hoyanaya hadii Daahir Riyaale laga qaado talada loona
dhiibo nin kale oo musuqmaasuqii iyo cadaalad daradii halkii ka sii amba qaada?. Taas
macanheedu maaha inay talaabada ay nimanakaasi odayaasha ahi ku kaceen sax tahay ama in
laga hor istaago muwaadin xaq u leh inuu talada dalka qabto ee waxaan uga jeedaa ma qof
baynu qof ku badalnaa mise nidaam baynu nidaam ku badalnaa? Suurta galse ma tahay intaan
qodax beerano inaan cinab goosano?
Waxa kale oo marag ma doonto ah ah in dhamaan cashuuraha dalka oo dhan si toos ah ugu
xaroodaan madaxtooyada oo siday doonto ugu tagri fasha, nidaamkan waa mid laga dhaxlay
maamulkii marxuum cigaal. Tani waxay keentay nidaam isku dul-noolaansho ah oo ninkii
cashuurtaa soo ururiyanyna uu ka qatan yahay nimaan geedkaa uga soo wareegina uu laba
liqayo dadkii iyo dalkii wax loogu qaban lahaana ay ka af-xidhan yihiin. Waxaa dhacda in
guryaha qaarkoodna aan dabka laga shidan dadna ay caasimadaha reer galbeedka tamashle iyo
dalxiis dhawrkii biloodba mar ugu baxaan.
Mujtamaca laftiisu canaanta badh ayuu ku leeyahay waayo mujtamaca ayuun bay madaxdoodu
ka soo baxdaa. Hadii mujtamacu uu wanaagsanaado waxaa ka soo baxaya madax tayo leh oo
ka soo dhalaala xilka loo igmaday. Hadiise mujtamaca laftiisii is wada gaadayo oo qofba qof la
tusay waa inay ogaadaan in wanaag u jiro inta cirku u jiro. Mujtamac aqoon-yahankiisa iyo hal-
doorkiisa dad waalan u yaqaana qofka runta u sheegaana dayro ka yahay, dadka dad ugu liitana
u yaqaana libaax sidee buu wanaag u heli karaa?. Waxaad dhuuxdaa nuxurka uu xambaarsan
yahay xadiis Nabi Maxamed- nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi –“Kamaa
takuunuu yuwala calaykum” oo macneheedu yahay waxa madax la idiinka dhigayaa dad sidaad
tihiin oo kale ah. Si madax wanaagsan loo helo sow kama horreyso in mujtamucu hagaago.
Hadiise mujtamacu khaldan yahay sow xaalku maaha ul qaloocda oo hadhkeeda aan toosiya is
leenahay. Waa in qof kastaa dhankiisa uu samaha ka taliyaa. Dad dhexdooda wanaag iyo
cadaalad laga waayaay gar ma tahay inay cid kale wanaag ka doonaan?
Saxaafada Somaliland oo badankeedu halkii ay wacyiga bulshada kor u qaadi lahayd uguna soo
tabin lahayd maqaalo cilmiyaysan oo ka tarjumaya duruufaha dhabta ah ee ka jira dalka, gobalka
geeska afrika, iyo guud ahaan caalamkaba waxay dadka ku maaweeliyaan warar iyo maqaalo
naxli huwan oo bulshada kala geynaya. Sidaan la wada socono wargeyska Haatuf wuxuu
todobaadkan soo qoray maqaal ka hadlaya ciidamo ay Daahir Riyaale isku jilib hoose yihiin oo
wadooyinka Hargeysa la soo daadiyay. Wararka noocaas ahi maxay bulshada ku soo
kordhinayaan aan ahayn kala shaki iyo nac aan loo baahnayan wakhtigan xasaasiga ah ee ay
umadu u baahan tahay cid ka samata bixisa duruufaha adag e la soo darsay. Muxuuse
dareemayaa ninka ay Daahir Riyaale isku jilibka yihiin ee aan ku raacsanayn khaladaadkiisa
marka reerkoodii si xaq darro ah loogu shaambadeeyo waxaaney gayin?. Umadii la rabay
iyadoo isku duuban oo gacmaha is haysata inay xumaha si wadajir ah u wajahdo hadii loo qayb
qaybiyo reer Dudub iyo reer Duraan sow hubaal maaha iney guushii sii durkayso. Abwaan
Cabdi-Qays isagoo waxyaalaha noocaas ah ka hadlaya wuxuu yidhi:
Dad Waxaan nahay
Guusha jeceloo
Hadana gambiyayoo
Garaadkoodu liito
Inta badan saxaafada Somaliland waxay ku cabataa in la doonayo in la cabudhiyo. Xorriyada
qawlka waxa mar walba ku ladhan masuuliyad. Saxaafad aan masuul ahayn xoriyadeedana
waxa ka dhasha jaha wareer iyo waxaan loo baahnayan. Qofna xor ma u yahay inuu wax kasta
ku kaco oo ciduu doono dilo ciduu doonana dhaco?. Umad colaado iyo abaaro badani
darandooriyeen waxay u baahan tahay saxaafad garawsan in xorriyada iyo masuuliyadu is
laasimaan islamarkaana bulshada u suurta galisa inay la jaan-qaado dunida.
Quwado shisheeye oo yaalaaba aan jeclayn inay la macaamilaan xukuumado ka tarjumaya
rabitaanka dadka ay xukumaan ayaa iyaguna aan meesha ka madhnayn. Maahmaah
Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa “gardaro garab og iyo xanuun geeri og midna looma
maaro helo”. Wadamada dunida sadexaad dhibaatooyinkoodu waxa ay salka ku hayaan maamul
xumo baahsan ha noqdaan kuwo jamhuuriyado sheegta ama kuwo boqortooyo isku
magacaaba ee waxay inta badan ka siman yihiin in dadkii iyo dalkii laga dhigay shirkad ay
qoysas fara ku tiris ihi ku amar ku taagleeyaan oo ninkii ka hor yimaadana u arkaan nin waxoogii
ku soo doontay. Halkii dadku dawlada ka yeelan lahaa, dawladaii ayaa dadkii iyo dalkiiba
yeelatay. Nidaamka noocaasi ahi waxa uu u sahlayaa quwadahaasi shisheeye in ay dhib yaraan
uga hirqadaan khayraadka dihin ee dalalkaasi ceegaaga. Taas badalkeedana waxay
quwadahahaasi shisheeye indhaha ka qarsadaan xad-gudubyada iyo musuqmaasuqa ay
xukuumadahaasi kula kacaan dadyawga ay xukumaan. Waxa dhici karta in Daahir Riyaale
qandaraas noocaas ah soo qaatay oo lagula taliyay in la taageeri doono isna uu u ogolaado
waxay doonayaan taas oo aynu durtaba ifafaaleheedii arkayno.
Si hadaba aan dhibatooyinkaa uga baxno waa in aynu arimahan hoos ku qoran ku talaabsanaa:
1- Waa in awooda dalku gacanta dadweynaha ku soo noqotaa taasina waxa fure u ah in
sharciga loo sinaado. Siyaad Barre oo hub iyo saanad wuxuu lahaa aynu ogayn ayay u shaqayn
wayday kali talisnimo iyo waan ku dili. Waa in shacbigu iska ilaaliyaa wax kasta oo khalkhal
nabada galinaya. Baarlamaankii aynu soo dooranay ayaa ka baaqsaday kaalintii laga filayay. Ma
waxaanay garan magaca dadka in ay ku hadlaan in loo doortay. Ilaa maalintii la doortay waxaa
dhibaatooyin dalka ka dhacaya xalintooda waxay ka door bideen inay socdaalo kolba meel aan
loo diran ugu baxaan. Dalka waxa ka jira baa la yidhaahdaa laba gole. Sidee baa hal gole kolba
waxa uu doono u marsiisan karaa?. Hadiise aanay ogsoonayn inay shacbiga matalaan sow ma
haboona inay meesha u baneeyaan dad wax qaban kara oo dadweynaha u hiiliya. Maxaa keenay
in shacbiga la kala dooransiiyo inuu dagaalamo iyo inuu kali talisnimo aqbalo. Anigu waxaan
idinkula talin lahaa inaad umada wax muuqda u qabataan ama aad iskaga hor dhaqaadaan.
Golaha guurtiduna ha ogaadee in wixii dalkaa fitno iyo rabash ka dhaca iyo masuuliyadeeda
dhabarka u ridan doonaan. Ma waxa aad garan waydeen inaad xal aan umada iska hor keenin la
timaadaan. Hadiise nabada dhaawac gaadho yaa idinka idiinka nugul.
Tusaale ahaan hadii uu sharcigu dhigayo in labada doorasho lix bilood u dhaxayso maxaad ta
deegaanka hore ugu soo dhigi waydeen bisha Juun si ta madaxtinimada loo qabto xiligii loo
qoondeeyay oo ahaa Diisambar. Waxaana arrinkani si gaar ah ugu ceebaysan gudoomiye
Saleebaan Maxaamuud Adan oo marka horeba odayaasha loogu dhex darsaday in lagu gudbo
mujaahid Siilaanyo. Maqnaanshiyaha uu ka maqnaadayna fadhigii lagu codaynayayna ha
ogaado inaanay wax macno ah samaynayn. Shirqool uu wax ka soo maleegtay ama ha joogo
ama yaanu jooginee waa inuu ogadaa in uu taariikhda baal madow ka galay. Laba jeer ayuu
Saleebaan canaan leeyahay: waa maree waa nin aqoon yahan ah oo aan la mid ahayn odayadan
aan magacooga qori Karin. Waa marka labaadee isaga ma hayso baahi ku kalifta inuu runta ka
gabado.
Garsoorka dalka ayaa isna u baahan in si dhab ah uu u madax banaanaado. sida ugu fudud ee
tani ay ku suurta galaysaa waxa weeyi iyada oo mushaharkooda ay bixiyaan jaaliyadaha dibadu.
Hadii garsoor xaq ku shaqeeya la helo wax badan ayaa dalkan iyo dadkan u hagaagi kara. Nin
gaajoonaya oo la leeyahay nin miskiin ah iyo nin lacagtii umadoo dhan haysta u gar qaad way
adkaanaysaa siduu cadaalada ugu hiiliyo waayo isaguba wuxuu tirsanayaa in la dayacay oo uu
xaqiisii la duudsiyay. Calool baahan in cadaalad laga sugaa sow caqli yari maaha?
Waxa kale oo iyana meesha ku jirta si dalkan aan looga dhigin meel hal qof iska leeyahay waa in
heshiis kasta oo dhinac ama dhinacyo kale lala galayo uu baarlamaanku ansixiyaa. Xisbiyada
mucaaridka ah iyo masuuliyiinta dawladuba waa inay kaa waantoobaan hadalada macno darada
ah ee anshaxa ka aradan ee maalin walba ay is dhaafsadaan. Waa in sharci laga soo saaro
inaanu qofna qof kale si shakhsi ah u weerari Karin. Qofka waxqabadkiisa ayaa wax laga sheegi
karaa laakiin way reeban tahay in qofka shakhsiyadiisa wax laga sheegaa.
2- Waa in shaqaalaha dawlada min madaxweyne ilaa waashmaan ay mushahar cayiman
qaataan. Tani waxay keeni doontaa in madaxda dalka iyo dadweynuhu isla jaan qaadaan oo
waxa dadwaenaha damqayaa waa inay madaxdana taabtaan. Tusaale ahaan hadii
madaxweynaha ama wasiirku uu dareemo sixir bararka waxa hubaal ah in si hagar la’aan ah wax
looga qaban doono markasta oo uu sixir barar dhaco. Waxa kale oo loo baahan yahay in
gawaadhida dowlada galinka dambe lagu xareeyo wasaaradaha dawlada oo aan loo isticmaalin
dano gaar ah. cashuurta ayaa iyaduna u baahan in la habeeyo oo aan lagu qaadin naqdi ee loo
sameeyo nidaamyo kale oo lagu bixiyo sida Money order oo kale ama jeeg baanka laga soo
samaysto. Tani waxay aad u yaraynaysaa fursadaha lagu lunsan karo hantida qaranka waxaana
kor u kacaya dakhliga dawlada oo isna suura galin doona in shaqaalaha wax ku filan la siiyo.
3- Waa in daawo loo helaa jaha wareerka dhaqaale iyo sixir bararka ay umadu la il daran tahay
taasina waxay ku iman kartaa iyadoo dalka loo sameeyo jaan-gooyo dhaqaale oo dhamaystiran
isla markaana dadka lagu wacyi galiyo inay cunaan waxyaalaha dalka ka soo baxa. Halkii aynu
qalabka wax soo saarka (Capital goods) sida warshadaha yaryar iyo cagaf cagafyda iyo wixii la
mida ka soo iibsan lahayn hadii aynu soo iibsano waxyaalaha la cuno/isticmaalo (consumer
goods) suurta gal ma noqonayso inaan sixir barar ka baxno. Waxa kale oo aad ogaataa marka
aynu waxyaalahaas la cuno soo iibsano waxaynu shaqo siinaynaa dad wadamo kale ku nool,
dalkiina waxaynu leenahay shaqo ma taalo. Khayraadka badda ayaa isna dihin oo u baahan in
laga faa’iidaysto. Nacasnimo ka wayn miyay jirtaa in kolba maraakiib shisheeye badaheenii laga
kireeyo inaguna gaajo iyo nafaqo daro la liidano. Wax soo saarka beeruhu waa aasaaska
horumarka dalka. Dawladu waa inay wax soo saarka dalka ka ilaaliso tartan kaga yimaada
cuntada dibadaha ka timaada taasina waxay ku imanaysa iyada oo cashuur adag la saaro
cuntada wixii dibada ka yimaada. Tani waxay dhiiri galinaysaa in beeralayda dalku wax soo
saaraan hadiise ay suuqa ka saaraan cunto dawlado kale badhi-taareen way adkaanaysaa in
dalku wax soo saaro taas oo dhabada u xaadhahaysa sicir-barar iyo dadka oo heerka
noloshoodu hoos u dhaco mushaharkooduna wax u goyn waayo. Tujaarta waaweyn ee dlka
waa in lagu khasbaa inaanay inoo keenin waxyaalaha la cuno uun ee ay inoo keenan qalabka
wax soo saarka oo beeralayda ay ka kireeyaan amabase amaahiyaan.
Waxa kale oo iyana xusid mudan in kor u kaca qiimaha shidaalku ka joogo sayladaha aduunku
uu keenay sicir-barar baahsan oo dunida oo dhan saameeyay maadaama wax kastaba soo
saaristiisa ama soo qaadistiisa loo adeegsado wax shidaal ku shaqeeya. Si hadaba dadka looga
badbaadiyo sixir bararka waa in dalka laga helaa koronto jaban oo suurta galisa in warshado
dalka laga hir galiyo. Maadaama aynaan wali shidaal la soo bixin waxa korontada laga dhalin
karaa uumiga dhulka hoostiisa ka soo baxa (geothermal power) taas oo lala kaashan karo
shirkada Chevron oo aduunyada ugu horreysa tiknoolajiyada noocaas ah horena dalkeena
shidaal uga baadhi jirtay.
Dhaqaalaha dalka ayaa waxa kale oo uu u baahan yahay in laga xoreeyo qaadka oo runtii ah
aafo ijtimaaci ah oo u baahan in xal caqli gal ah loo helo. Dawladu waxay dhaqaale badan ka
heshaa cashuurta qaadka hadii dalku sidan ku sii socdona wuxuu noqonayaa dal dhaqaalihiisa
ay gacanta ku hayaan dad ka ganacsada maan-dooriye (Narco state). Waa in la helaa ilo kale oo
dawlada dhaqaale ka soo gali karaan oo lagaga maarmo cashuurta qaadka.
Waxa iyana xusid mudan qandaraasyada dowladu bixiso oo gaadhigii lagu heli lahaa shan kun
oo doolar in dawlada laga siiyo labaatan kun oo doolar. Arrinka meesha ku jiraa waxa weeyi in
cidda qandaraaska bixinaysaa ay kula heshiiso cida laga iibsanayo in ay lacagahaas xad-
dhaafka ah wax ka siiyaan iyadoo cidda wax iibinaysana si gaar ah loogu naas-nuujinayo.
Hantidii qaranka ayuu ninba meel kaga soo wareegay oo qabcadiisii wadanka fujistay
dadweynuhuna wali waxay sugayaan inay so da’do daruur mar hore kala yaacday Xeeladuhu
way badan yihiin tuugnimaduna waa hal mid ah.
4 – Waxbarashada dalka ayaa iyaduna dib u habeyn weyn u baahan. Arrinka ugu wayn ee in laga
hadlo u baahan waxa weeyi luqada wax lagu baranayo. Waxaa haboon in afafka carabiga iyo
ingiriisiga la is bar bar wado afka soomaligana luqo ahaan loo dhigto. Waa in la joojiyaa
afsoomaaliga dugsiyada lagu dhiganayo si ardayda dugsiyada ka soo baxdaa ay ula sodaan
aqoonta dunida taala oo maalinba wax cusubi ku soo kordhayso laakiinse aaney jirin buugaag
afsoomali ku qoran oo ardaydu ka akhrisan karto. Waa dhab in luqada la doonaba wax ha lagu
dhigtee ay aqoontu isku mid tahay. Dalal badan oo aduunyada ahina waxay ilaa heerka phd ku
qaataan afafkooda laakiinse waa inaynu ogaanaa in dalakaasi dhaqaalahoodu u saamaxayo in
ay soo saartaan buugaag afkooga ku qoran oo ay ku jiraan aragtiyiha iyo ikhtiraacaadka cusub
ee marba dunida ku soo kordha. Hadii ardaydu wax ku bartaan carabi iyo ingiriisi waxa u suurto
galaysa inuu akhristo buugii ka soo baxay dhamaanba dalalka labadaa af lagaga hadlo oo aynu
odhan karno waa dunida inteeda badan.
5- Waa in la sameeyo hay’ad qaran oo qaabilsan habac-tirka maamulka oo daba gal ku samaysa
laamaha kala duwan ee dawlada isla markaana dhagaysata cabashooyinka dadweynaha si loo
saxo meshii khalad ka jiro qofkii lagu helo in xilka loo dhiibtay uu dadka ku baadhona waa in
cadaalada la hor keenaa. Hay’adani waa inay lahaataa awood ay shaqada kaga caydhiso qofkii
ay ku cadaato inuu shaqadiisa sagsaagayo.
6- Waa in si dhab ah miyiga loo horu mariyaa. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dunida
sadexaad badankeeda haysata waxa ugu wayn dadkii oo dhulka miyiga ka soo hayaamaya kuna
soo shubmaya magaalooyinka oo wax kaga soo horeeyaa aanay jirin. Taasi waxay keentaa faqri
baaxad leh oo ay ka dhashaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tuuganimada, dhaqan xumo
iyo dayac fara badan oo dakaasi ay ku qabaan magaalooyinka. Hadiise dadka halka ay joogaan
koronto, caafimaad iyo waxbarasho ay ku helaan waxaa hubaal ah inay ku nagaan doonaan
dhulka miyiga ah waliba wax soo saarkooduna wuxu faa’iido u noqonayaa dadka iyo dalkaba.
Fu’aad Xaashi Ismaaciil
Fuad751@gmail.com