2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|
Talo waa ta allee hoy qurbo joogoow cagaha dhigo
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan dadkii afkaartooda ninba meel haka fadkudiyee kusoo
qoray hadhwanaagnews. Horta waa wax laga xumaado hadii dadkii leys lahaa dadkani waa dadkii
badilahaa madaxdan maanta oo hadana qabiil iyo qudhun wada walaaqanaaya .
Horta isweydiiyoo yaad u hanjabaysaa maxaad isku dawakhin cidna kuuma ogee. Waayo ninna
maanta xaqiiqda wadanka ka jirta waxba kama oga oo qurbaa ina wada daashaday oo ninkastaaba
tiisiibuu u taaglaayahay se maxaa uga giidhiisha waxa wadanka ka socda ragbaa halkaa u joogee.
Raga qaarkii ee u cadhoonaaya Riyaale wali ma is weydiisay maxaad ugu cadhoonaysaa? se hadii
aad u cadhootay wixii aad ugu cadhootay xalinteeda ma heshay badi waa maya.
Waxaan qabaa Riyaale waa madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland soo maree dadka runta u
sheega, shaqadiisa qabta, si daacadana uhaga umadiisa si niya ah.
Raga qaarkii ee hajabaaya iyoon cidna u ogeyn waa wax laga yaayakhsiyoodo runtii. Waayo
maanta wakaa qeyrkeen cirka horu ugu maray waxaa waxa ku fikira had iyo jeer waa inan yaroo
qeyrkaa ah halkaad maanta adigu ka leedahay waa S.N.M waa reer hebal.
Runtii waa la dhaafay raga qaarkiiyee madaxda wadanka faqash ku sheegaayana waxaan leeyahay
adeer faqash raga S.N.M sheeganayaa waxaay wada ahayeen faqash inankii xabda ridaayey ee
miskiinka ahaa iyo inantii musxarada lagarab taagneeyd iyo hooyadii caruurteedoo gaajooneysa
qamadinka aay kasoo qaadato xeryaha qaxoontiga aay mujaahidiinta siini jirtay ee iyaduna
umadkeeda ka qadinkirtay kuwasaa xalaal ah oo mujaahidiin ah oo laynugu ciqaabayaa walaalayaal
ee ilaahay ka baqa sharaxtana dhowra.
Raga maanta aflagaadeeynaaya odayaasha hadhkooda aanu hadhsaneyno waxaan leeyahay taasi
waa aqoon xumadaa hadii odayaasha aad falagaadeyso waayo iyagaa kaa jecel wadanka iyagaa
jooga iyagaa u xilsaaran wadanka iyagaana dhiigoogii iyo xoolohoogiiba u huray ee ceeb male
xashaa lilaahi. Abdi waraabe waa boqor ilaahay noosoo diray oo noo barakeeyay xumana ka dheer
ceeyna hadelkeeda dhaaf.
Guntiiyo gaba gabadii waxaan leeyahay dhaqan baanu leenahay dastuur baanu leenahay waxa
walba lagu xeeriyo waar hadii lakala roonaan roob ma da,ee hooy halakala roonaado ninkii kulmiye
taageersanoow sanad baa hadhay ninkii Ucid taageersanoowna sanad baa hadhay ninkii Udub
ahoowna sanadbaa hadhee dhibta joojiya wax si xun u sheeguna sixiroole waa ka daranyahay.
Yaana lagu hadlin Jaaliyadaha magaceeda iyadoon waxba la isla ogeyn jaaliyaduna waa ka
balaadhantahay afar qof oo meel lagu soo qoro.
Alle tawfiiqda ha ina waa fajiyo.
Somalilandna cidna waxba ma yeeli karto. somaliland ha noolaato.
Idiris abdi biirshe
Minnesota, Minneapolis
