2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|
Warqad furan oo kusocota Rayaale, Siilaanyo, Saleebaan Gaal, Faysal Cali
waraabe iyo Komishanka Dooroshooyinka Qaranka Somaliland
Ugu horayn waxaan halkan salaan usoo marinayaa Bahda Xaraf .net ee hawsha qaran uhaysa
umadooda kala jooga dacalada dunida , intaas kabacdi waxaan halkan kusoo gudbinayaa
warqadan furan oo kusocota masuuliyiinta kala ah Madaxweyne Rayaale, Axmed Siilaanyo,
Saleebaan Gaal, Faysal Cali waraabe Iyo xubnaha Komishanka dooroshooyinka .
Ugu horayn madaxweyne Rayaale
Mudane madaxweyne waxaan ugu horayn kugu hambalyaynayaa go,aanka aad kaqaadatay
xoraynta gobolada Bari ee dalka anoo aad ugu faraxsan in madaxweyne kuxigeenkaaguna uu
booqday halkaas , balse waxaa taas barbar socda talaabooyin aad wanaagii aad soo samaysay
kubaabiinayso kuwaas oo ah in aanad rabin in doorasho xor ah oo xalaal ahi ay dalka kadhacdo
waxaanad rabtaa sida muuqata in aad kushubato ama aad wakhtiga dheerayso adoo adeegsanaya
Golaha Guurtida oo ah gole adigu aad uyeedhiso waxa ay yeelayaan, mudane madaxweyne noqo
hogaamiye geesi ah oo kudhiirada dhiiri galinta dimuquraadiyada balse aan noqon mid lamid ah
hogaamiyeyaasha africaan ka ah ee kuguuldaraystay hirgalinta dimuquraadiyada,
mudane madaxweyne majirto balan aad shacbiga uqaaday oo aad fulisay , waxaana kamid ah
waxyaabihii aad balanqaaday balse aanad fulin , in aad dhisi doonto dawlad yar oo tayo leh balse
waxaad dhistay dawlad nin kasta oo xisbigaaga u ololeeyay aad meel uga baadhay wasaarad aad
wasiir uga dhigto iyadoo taas lala yaabanyahayna aan imikana maqlaayay in aad soo wado todoba
wasiir oo kale cajab !!!
Waxaad balanqaaday darajooyinka ciidanka manaad fulin, waxaad balanqaaday horumar dhaqaale
oo dalka kahirgala balse xaalada nololeed halkay marayso waad aragtaa, waxaad balanqaaday
dooroshooyin xor ah oo aad dalka kahirgaliso balse waa la arkaa halka aad kala maraysaan
komishankii oo aad faraha kala bixi laadahay
Mudane madaxweyne markaad waxaad oo dhan eegto ee aad naftaada uqirto in aad guul
daraysatay waxaa kuu qurux badan geesi nimaduna kujirtaa in aad iscasisho oo aaad meesha
ubanayso cid umada wax uqabata , kana baq rabigii ku abuurtay oo masuuliyadaas kaala
xisaabtami doona wakhti aan fogayn.
Gudoomiye Axmed Siilaanyo
Mudane Gudoomiye ugu horayn hambalyo sida quruxda badan ee uu kudhamaaday shirkii xisbiga
Kulmiye oo ahaa shirkii ugu quruxda badnaa ee abad soo mara Somaliland ee soona mari doonin ,
waxaan sidoo kale kugu hambalyaynayaa guusha aad kasoo hoysay in markale laguu doorto
hogaanka xisbiga kulimiye
Mudane gudoomiye waxaad tahay geesi go,aan qaadasho adag marka la eego sidii aad go,aanka
uga qaadatay doorashadii lagu muransanaa ee dalka kadhacday 2003 dii oo aad ku aqbashay 80
cod in lagaaga badiyay adoo eegaya danta dalkan aad usoo halgantay oo lexejeclo kaahayso,
mudane gudoomiye waxaa durba bilawday weerar afka ah oo idin dhexmaraya adiga iyo ninka aad
sida wayn isku haysaan ee Madaxweyne rayaale waxaanan kuleeyahay danta dalka eeg ooh ala
siificiltamin waayo adiga ayaa dani kaaga jirtaa dalkan , mudane gudoomiye waxaa sharaf kuu ah
sida ay dadku sacabka kuugu tumaan marka fagaarayaasha layimaado taas oo ah haybad rabi uu
kusiiyay waxaanan kuleeyahay markakle gal doorasho dadkana kuwaydiiso cod sidii aad markii
hore ubadbaadisay ee aad u aqbashay ntiijo shacbiga somaliland aaminsanaa in aad adigu heshay.
Gudoomiye Saleebaan Gaal.
Mudane gudoomiye marka hore salaam , marka xiga maxaa kugu dhacay ee beryahan aad uga
baxday saaxada siyaasada Somaliland mise waxaa kuu cuntami la, in aad rayaale ukordhiso
xukunka oo waxaad doorbiday in aad fasax kuwareegaysato, haday sidaas tahay waa go,aan
fulaytinmo ee waxaan kuleeyahay waxaad tahay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland
waxaanad tahay nin rugcadaa siyaasiya balse waxaa la eegayaa sida aad uga dabaalato doonista
rayaale ee ah in aad xukunka ukordhiso hadaad sidaas yeeshana saleebaan waa siyaasi adag ha
ina dayso ,
Mudane gudoomiye waxaad dhexdhexaaad kanoqotaa xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka ,
ceeb iyo canaan wixii kayimaadana adigaa iskaleh , hanoqon gudoomiye nin wax looga soo
yeedhiyo madaxtooyada balse noqo in aragtidiisa meel marin kara.
Gudoomiye gaysal cali waraabe.
Mudane gudoomiye waxaad nasiib uheshay in shacbiga Somaliland ay udoortaan xisbigaaga
xisbga sadexaad ee qaran ee dalka kajira , waxaana lagaaga fadhiyaa abaalka shacbiga xilkaas
kusaaray, mudane gudoomiye waxaa shacbigu kuxantaan in aad wajiyo badantahay taasna
foolxumo ayay kutahay nin siyaasi ah , waxaan kuleeyahay xisbigaagu waa xisbi qaran ee yuu
noqon xisbgi lagu adeegto oo kolba dhinac taga bale mucaarid nimadu hakaa ahaato daacad
shacbiga kusharfayna abaalkooda gud.
Mudane gudoomiye mawqif kaagakala cadee ku aadan in doorashada dib loo dhigo ama aragtida
aad kaqabto komishanka shaqaynaya oo shacbigu kabiyo diidsanyahay , waxaanad muujisaa
aragtiyo ay geesi nimo kujirto.
Komishanka dooroshooyinka qaranka
Mudanayaal waxaad tihiin dad qaaday xil culus oo rabi kala xisaabtami doono aakhiro shacbiga
Somalilandna kala xisaabtami doonaan in ay aduunka joogaan , mudanayaal waxaa idin soo eegaya
indhaha 4 milyan oo shacbiga Somaliland ah oo eegaya habka aad garsoorayaal unoqotaan , ogaw
ilaahayna sidaas oo kale ayuu idiin eegayaa , mudanyaal hanoqonina komishankii kiiniya oo kale oo
aan diin lahayn , sharaftoodii aduunkuna ay dhimatay , cidna haka baqina ee xaqa kutaagnaada ,
abaalka laidiin hayaana waa sidaad hadba ushaqaysaan , aan idin xasuusiyo mudanayaal wixii
kudhacay komishankii hore oo abaalkoodii laga dhigay in baabuurta suuqa lagaga daadiyo , ogaw
idinkuna in maanta aad macaan tihiin balse bari laidin nici doono ee cidna haka doonina sharaf ee
aakhiro kabaqa umadiinana cadaalad ugu shaqeeya ,
Allaa mahad leh
Maxamed cismaan C.laahi
Arday jaamacada Hargaysa.
m_cismaan@hotmail.com
