2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Al-Jaabiri oo Quus Kala Dhoofay Wadahadalladii uu Rayaale la Yeeshay


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay ku gacan-saydhay codsi uu
ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri kaga dalbay sii wadidda heshiiska xukuumaddu
kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isla markaana ku wargeliyey in ganacsatadu u
madaxbannaan yihiin dhoofinta xoolaha nool.

Ganacsade Al-jaabiri oo shalay Hargeysa dib uga dhoofay, kadib markuu dhammaystay socdaal afar
maalmood qaatay oo uu Somaliland ku yimi, ayaa muddadii uu dalka joogay waxa uu kulamo la
yeeshay Madaxweyne Rayaale, balse ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay
wadahadallada labada dhinac kaga arrinsanayeen dhoofka xoolaha nool ee Somaliland.

Haseyeeshee, ilo xogogaal ah oo kulamadaa ku dhowdhow ayaa Jamhuuriya u sheegay, in
Madaxweynuhu ku wargeliyey ganacsade Al-jaabiri inuu si rasmi ah u fasaxayo ganacsiga dhoofka
xoolaha oo isagu hore heshiis kooto ah ugula jiray xukuumadda, isagoo Md. Rayaale diidmadiisa
sabab uga dhigay culays badan oo ka soo fuulay dhinaca bulshada, gaar ahaan ganacsatada
waddaniga ah ee xoolaha nool.

Iyadoo waqtigan dalku jiro xaalad dhaqaale xumo oo ay sal u yihiin sicir-bararka xad-dhaafka ah ee
maceeshadaha la quuto oo cirka isku shareeray iyo weliba ganacsade Saleebaan Al-jaabiri oo aan
buuxin qaar ka mid ah shuruudaha heshiiskii xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha
sida inuu sannadkii qaato laba milyan oo neef, balse sida la sheegay uu muddadii heshiisku socday
dhoofsaday xoolo tiradoodu ka yar tahay 500 kun neef oo adhi ah.

Geesta kale, ganacsade Al-jaabiri ayaan la sheegin mowqifka uu ka qaatay go’aanka Madaxweyne
Rayaale ku fasaxay dhoofka xoolaha nool ee isaga kootada ugu xidhnaa.

Shixnaddii ugu horreysay ee xoolo nool ah oo tiradoodu gaadhayso 7 kun oo adhi ah iyo boqol iyo
dheeraad neef oo lo’ ah, ayaa habeennimadii Arbacada ka dhoofay Dekedda Berbera, kadib markii
Md. Rayaale siiyey fasax ku-meel-gaadh ah. Haseyeeshee, waxa ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen in
dhammaadkan bishan aynu ku jirno ee July la filayo in Madaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqo
fasaxa ganacsiga dhoofka xoolaha nool ee Somaliland oo muddo sannad iyo badh ah kooto ugu
xidhnaa ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri.

Source jamhuuriya


Xaraf net