2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|

Oomaar Iyo Indho-Deero Oo Qiime Dhimis Ku Sameeyay Bariiska Kadib Markii
Uu Suuqyada Soo Galay Bariiskii Dahabshiil Ee Jabnaa
magaalooyinka dalka Bariis kuwooda ka jaban oo ay dibada ka keentay shirkada Dahab-Shiil oo
sida la sheegay ay shirkadaasi ugu talo gashay in ay ku jebiso maceeshada sare u kacday gaar
ahaan Bariiska iyo Daqiiqda.
Sidoo kale sicirka Daqiiqda ayaa todobaadkii hore hoos u dhacay ka dib markii ay dalka soo
gaadhay shixnad Daqiiq ah oo ay soo waariday shirkada Dahab-Shiil waxaana ay gadbada Daqiiqda
ahi ay hada ka maraysaa suuqyada Hargeysa $45-46 halka ay laba todobaad ka hor ay gadbada
Daqiiqda ahi suuqyada ka caga cagaynaysay $49-50.
Raashinkan ay shirkada Dahab shiil soo waariday ayaa waxa uu ku soo beegmay wakhti ay cuntadu
ka qaali garowday Dunida, isla markaana ay qaar ka mid ah wadamadii Bariiska soo saari jiray ay
joojiyeen Bariiskii ay dibada u dhoofin jireen.
Hase yeeshee labada shirkadood ee Indho Deero iyo Omar ayaan iyagu Bariis dibada kala soo degin
intuu raashinku dunida ka qaaliyoobay balse dalka gudihiisa ku haystay kayd Bariis ah oo badan..
Waxaanay horaantii bishii April kiishka Bariiska ah ku iibinayeen jumlad ahaan $29.5 halka ay
todobaadkii hore ka gaadhsiiyeen $51.
Mulkiilayaasha labada shirkadood ee Omaar iyo Indho Deero oo aanu isku daynay in aanu wax ka
weydiino arintan ayaa iyagu ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arimahan.
Source Haafut
Xaraf Net

Ganacsadayaasha waaweyn ee raashinka
dibada uga soo waarida dalka Somaliland,
Jaaamac Omaar iyo ilma Cabdi Cawad
(Indhadeero) ayaa hoos u dhigay galinkii
hore ee shalay qiimihii ay ku iibinayeen
kiishka Bariiska ah, taas oo ay ka dhigeen
$47-48, halka ay maalin ka hor ku iibinayeen
$51- 52 Dollar. Sida ay u sheegeen Haatuf
qaar ka mid ah hawl wadeenada labada
shirkadood ee Oomar iyo Indho Deero hoos
u dhigida qiimaha Bariiska ayaa ahayd mid
ay labada shirkadood ay ku heshiiyeen,
markii ay ogaadeen in isla shalayba uu soo
galay suuqyada