2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|

Dawladda Djibouti Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliland ka Qaadan Doonto
Alaabada ay Samayso
Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo
ay u suuq gayn doonto allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo
dibadda ah.
Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Siciid Cumar Muuse iyo
Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob
dhawr ah, “Shacabka Somaliland dad midaynu nahay, haddaad baayac mushtarka eegtid, labada
dhinacba waynu ka wada shaqaysanaa, runtiina ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti waa
mid aad u wayn, wayna adag tahay in lagu sheego Somaliland iyo Jabuuti waayo waynu is dhex
soconaa, dadna waynu iskugu dhownahay.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga
Djibouti Siciid Cumar, oo shalay u waramay saxaafadda Djibouti, waxaanu intaas raaciyay “Inta
badana Somaliland, waxay nooga baahan tahay qalabaynta, waayo waxa uu Guddoomiyhu sheegay
in Alaabta Dubai Somaliland uga imanaysay ay fog tahay oo ay Jabuuti uga dhowdahay, markaa
dhinaca Jabuuti ahaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waanu ka wada hadalnay
dhinaca baananka iyo in waxa la yidhaa (Logistic-ga), qalaybta, oo aanu kaga horaynu ay halkan
(Jabuuti), u soo maraaan ilaa Berbera, waayo waanu kaga horaynaa taageeradeedana way naga
helaan.”
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti, oo ka hadlaya waxyaabaha ay Somaliland samayso ee ay
Djibouti suuqa gelin doonto waxa uu yidhi, “Iyaga geestooda waxay leeyihiin Warshadayn badan
oo yar-yar, waxyaabahan ay sameeyaan haddii aad eegto xataa aroosyada Djibouti Hargeysa, ayaa
loogu safraa oo looga soo iibiyaa qalabaynta Guriga, markaa waxay iyagu inoo hayaan sida
khudrada, maadaama khudrada Itoobiya inooga imanaysa aad loo dhaleecaynayo, markaa halkan
baa inooga dhow inoogana Jaban. Guddoomiyahana, waxaan balan ugu qaadayaa wixii dibada
nooga iman jiray oo hadda qaali garoobay, in aanu iyaga suuqa u galino oo aanu u samayno suuq
gayn.”
Waxa kale oo isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan
Faarax Sugaal, waxaanu sheegay inay jiraan waxyaabo ay sameeyaan wershadaha yar-yar ee
Somaliland oo ay Djibouti ka keensato dibadda, “Waxaanu u aragnaa in waxyaabaha Warshadaha
Somaliland soo saaraan jabuuti looga baahan yahay, oo aanay kuwaasi oo kale Djibuuti lahayn,
laakiin dibada looga keeno.” Ayuu yidhi Mr Sugaal.
Source
Xaraf net