2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Guddiga Horumarinta Togdheer oo Dalbaday 50 Kun Dollar lagu Dhamaystiro
Cisbitaalka 2aad ee Burco


































Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa ganacsatada, qurbo-jooggaiyo dadweynaha ka
dalbaday koton kun oo dollar oo ay ku dhammaystiraan cisbitaalka labaad ee dhismihiisu hadda
gebagebada yahay ee magaalada Burco.

Shir-jaraa’id oo ay xubnaha Guddiga Horumarinta Togdheer shalay ku qabteen dhismaha
cisbitaalka cusub oo ku yaal dhinaca koonfureed ee Burco ayey kaga hadleen hawlaha dhismaha
cisbitaalku halkay marayaan iyo qaybaha dhiman ee ay u doonayaan qaadhaanka lacageed.

Maxamed Xuseen Aadan oo ka mid ah xubnaha Guddiga Horumarinta, ayaa caddeeyey inay u
baahan yihiin konton oo dollar oo ay ku dhammaystiraan qaybaha yar ee ka dhiman Cisbitaalka,
isagoo xusay in la dhammaystiray gebi ahaanba dhismayaashii kale ee cisbitaalka.


Dhaqaalaha aanu doonayno waxaannu ku dhisaynaa qolkii maydka, qolkii mishiinka laydhka,
berkadii iyo taangigii biyaha,” ayuu yidhi Mr. Maxamed, waxaannu ka codsaday dadweynaha
Togdheer gudo iyo dibadba inay ka soo qaybqaatan bixinta dhaqaalaha lagu dhammaystirayo
cisbitaalka labaad ee Burco oo uu sheegay inuu noqondoono mid daboola baahida caafimaad ee
gobollada bariga Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan Axmed Raage oo isaguna ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa ka warbixiyay Halka
uu marayo dhismaha cisbitaalku, qaybahiisa kala duwan iyo cidda bixisay dhaqaalaha lagu
hirgelinayo.

“Cisbitaalkani waa dhaqaalihiisa bixiyay injineer Kuwayti ah oo lagu magacaabo Mubaarik, waxa
uu ka kooban yahay afar qaybood oo kala ah qaybtii carruurta, haweenka, qalliinka iyo daaweynta
Cudurada guud. waxa kaloo uu leeyahay 24 qol oo keli kali ah oo iyana dadka lagu daweynayo
bukaan jiifka. Dhaqaalaha ku baxay dhismaha cisbitaalka iyo qalabayntiisu dhan yahay 223 kun oo
dollar. Mar haddii la qabtay intii badnayd waxa hadda loo baahan yahay dhaqaalahaa lagu
dhamaystirayo inta hadhay, sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa Bulshada inay ka
qaybqaataan qaadhaanka lacagtaas. Qorshaha ku talagalka furitaanka cusbitaalku wuxuu noqon
doono bisha August ee sannadkan, waxaanan u mahadcelinayaa shirkadaha Dhahabshiil iyo
Daryeel oo ka qaybqaatay hirgalinta csbitaalka,” ayuu yidhi Eng. Raage.



Sidoo kale, Maxamuud Aadan Dheri ayaa isaguna tilmaamaya in Guddiga Horumarinta Togdheer
ay mashaariic hore oo iskaa-wax-u-qabso ah ka dhiseen Burco oo ay ka mid yihiin Jaamacadda,
Cisbitaalka Maandhaye iyo Biriijka,kuwaasoo ay gacan weyn ka gaysteen qurba-jooggu, “Sidaas
awgeed maanta loo bahaan yahay in si mug leh looga qaybqaato yaboohda qaadhaankan
lacageed ee lagu dhammaystirayo cusbitaalka labaad ee Burco oo noqon doono mid buuxiya
adeegga caafimaad ee bulshadu u baahan tahay,” ayuu yidhi Mr. Dheri.

Cisbitaalkan oo loo bixiyay Kuweyt Cisbtaal,ayaa dhammaystiran yihiin qalabkii loogu talagalay
adeega caafimaad, isla markaana loogu talagalay inay ka faa’iidaysan doonaan bulshada reer
Somaliland ee ku dhaqan gobollada bariga.


Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco