2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
Ganacsatada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Faasaxaada
Dhoofka Xoolaha


Xoolihii ugu horeeyay oo ka madax banaan ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jabiri ee ay
xukuumada Madaxweyne Rayaale kootaha ugu xidhay dhoofka xoolaha ayaa shalay si rasmi ah uga
dhoofay Dekeda Berbera, iyaga oo u sii jeeda dalka Sucuudiga, isla markaana uu ku dhoofay amar
Madaxweyne

Xoolahan oo tiradeeda lagu qiyaasay 7,000- ([todoba Kun ] neef oo adhi ah iyo 150 dibi,
hase yeeshee ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumada oo sheegaya inay qaaday
gebi ahaan-ba xayiraadii saarnayd xoolaha iyo heshiiskii kootaha ay ugu xidhay ganacsadaha
Sucuudiga ah ee Al-Jaabiri.

Sida waxa uu ku sheegay Afhayeenka Ganacsatada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen
mar uu Saxaafada u waramayey.

Afhayeenka Ganacsatada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen waxa sheegay in dhibaato
badan kadib oo ay dadku la soo mareen Xayiraadii Xoolaha “Xayiraada iyo cuna qabateynta la
saraay [Xoolaha], oo kolay anigu intii aan jiray iyo intii iga horeysay aanan arag oo dalka soomaaliya
dhamaantii ka dhacay, Somaliland ay tahay barnaamuj ku cusub, run ahaantii ahayd arrin aad u
qalafsan oo taariikhda gashay Arrintaa oo aan habeenkii Xalay ku guukeysanay”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mudada ay Xooluhu xidhnaayeen oo gaadhaysaa hal
sano iyo wa xooga, ayaa cuna-qabateyntii [xalay] laga qaaday dacwad iyo hadal badan oo
cuqaasha”.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Waxa uu sheegay inay u mahad naqayaan dhamaan dadkii
gacanta ka geystay haday tahay Ganacsatada, haddii ay tahay Cuqaasha, haddii ay tahay
Barlamaanka , iyo Mucaarid iyo Muxaafidba waa loo sinaa in laga hawlgalo sidii loola is-ticmaali
lahaa dhoofka Xoolaha Somaliland ee ay Xukuummada Madaxweyne Rayaale kootada ugu xidhay
Ganacsadaha Carbeed Al Jabiri inuu keligii dibada u qaado.

“Habeenkii Xalay ayey Xoolihii Ugu horeeyeen ka dhoofeen dekeda Berbera, amar Madaxweyne
ayey ku dhoofeen” ayuu yidhi Afhayeenka Ganacsatada Somaliland.


Mar uu Afhayeenka Ganacsatada Somalailand ee Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Kulan
dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Gudida Ganacsatada ah iyo Waxyaabihii ay isla soo qaadeen,
waxa uu yidhi “Sidaad ogeydeen kulan ayaa na dhexmaray Madaxweynaha iyo gudidayadii
Ganacsatada ahayd, Shirkaa na dhexmaray waxaanu ku falanqeynay cunaqabataynta Xoolaha”

“Madaxweynuhu uu naga balanqaaday, go’aana uu nasiiyey inay Xoolahaasi ay fasaxan yihiin,
xalayna amarkii Madaxweynaha ayey Xooluhu ku dhoofeen, isaga oo Madaxweynuhu fuliyey amarkii
uu noo qaaday” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

“Xalay Waxa baxay markab 7, 000 oo neef [Todoba kun oo neef] oo adhiya, 170 dibi, jabuuti ayaanu
sii marayey, waxaanu tagay Sucuudi Arabia” ayuu yidhi

“Waa tii aad ogeydeen Al-Jabiri waa kii Sixir Xun u jaray dadka, sixirkaa oo ahaa mid aan munaasib
ku ahayn Xaalada imika taagan, oo dadkuna meel ay geeyaan aanay haynin, Sayladuhu way dhaq
dhaqaaqeen, oo Sixirku shalay waxa uu gaadhay $ 40 [Afar dolar] neefka adhigii, Maantana $ 50
Dolar ayaa la sheegayey.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen waxa uu ku dooday inay rajeynayaan inuu neefku gaadho
qiimihaha iibkiisu $ 100 Dolar, isla markaana halkii uu Wasiirku ka yidhi gadbada Biriiska u soo ka
xeysta sadex Neef, waxaanu rajeynaynaa inuu neefku gooyo sadex gadbadood.

“Waxaanu rajeynaynaa in arrinta uu Madaxweynuhu [Rayaaale] ka dhawaajiyey inay Cadaalad
tahay, inuu qofku xor u noqdo cida uu ka iibinayo iyo qiimaha uu siinayo, oo aanay noqonin haddii
aanad intaa siinayn la noqo oo meeshi aad ka keentay ku celi” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed.

Afhayeenka Ganacsatadu Waxa uu sheegay inay Xooluhu fasaxan yihiin, isla markaana uu qofku uu
fasaxan yahay meesha uu geynayo Xoolihiisa, qiimaha uu siinayo iyo cida uu ka iibinayaba.

Tan iyo markii ay xukuumadu heshiiska la gashay ganacsadaha reer Sucuudi Arabia ee Suleymaan
Al- Jaabiri bishii April ee sanadkii 2007 waxa jiray cabashooyin iyo qaylo-dhaan ka soo yeedhaysay
ganacsatada xoolaha iyo xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo sheegayay inaanay waafaqsanayn
shuruucda dalka in qof kaliya loo xidho ganacsiga xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha
Somaliland, hase yeeshee xukuumada Riyaale aanay dheg jalaq u siinin.

Cabashooyinkan ganacsatada xoolaha ayaa bilihii ugu dambeeyay gaadhay halkii ugu saraysay
taas oo ay ganacsatada xooluhu cadaadis ku saarayeen xukuumadu inay fasaxdo ka ganacsiga
xoolaha.

Ganacsadaha Al-Jaabiri ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay-ba ku sugnaa magaalada
Hargeysa isagoo ay wada hadalo yeesheen xukuumada, hase yeeshee ilaa hadda wax war ah kama
soo bixin waxyaalaha ay ka wada hadleen iyo waxa ay xukuumada Riyaale ka yeelayso heshiiskii ay
hore ula gashay ganacsade Al-Jaabiri.

Source


Xaraf Net