2008 Xaraf.net All Rights Reserved Webmaster@xaraf.net
|

Salaadiinta Awdal oo Qaadacay in Diiwaangelin Laga Qabto Gobolkooda
Salaadiinta reer Awdal, ayaa shaaca ka qaaday in aanay oggolaan doonin in gobolkooda laga
sameeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo fool leh.
Sidaana waxa ay kaga dhawaaqeen shir-jaraa’id oo ay xubno ka mid ah madax-dhaqameedyada
Gobolka Awdal shalay ku qabteen hoteelka Rays ee magaalada Boorama.
Waxa kale oo Salaadiintu shirkooda jaraa’id markii ugu horreysay si cad uga hadleen aragtidooda ku
wajahan mudaharaadkii rabshadaha watay ee Isniintii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada
Hargeysa, kaas oo saddex qof ku dhinteen, 12 kalena ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka dhashay
dhashay riig ceel biyood ka qodayey koonfurta Hargeysa oo xukuumaddu isku dayday inay u
wareejiso degaanno kale, iyada oo ay mudaharaadayaashu ku doodayeen in loo waday magaalada
Boorama, inkasta oo xukuumaddu sheegtay in loo waday degaanka Gabiley.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa dhacdadaa
ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isaga oo ka tacsiyadeeyey dadkii rabshadahaas dhibaatadu ka
soo gaadhay, gaar ahaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradii geeriyooday iyo kuwa ku
dhaawacmayba.
Suldaanku waxa kale oo uu eedaymo u jeediyey salaadiin iyo siyaasiyiin ka hadlay dhacdadan oo
uu sheegay inay hadalladooda ka muuqdeen waxyaabo dhaawac ku keeni kara midnimada iyo
wadajirka ummadda Somaliland, "Waxa xusid mudan inkasta oo beelo la kala yahay sida aynu kala
midka nahay Soomaalida kale. Ururkii SNM markuu dalka soo galay ciddii nabadda keentay waxay
ahaayeen dadka halkan [Gobolka Awdal] dega, waayo haddii wakhtigaa loo arki lahaa beel waddan
qabsatay, xaaladduna intan way ka sii xumaan lahayd, fidnaduna way sii ballaadhan lahayd, sidaa
awgeed waxaan ku talin lahaa in la dhawro midnimada iyo wadajirka ummadda, aniga oo daba
socda salaadiin iyo rag siyaasiyiin ah oo dhacdadan ka yidhi erayo xanaf leh, halkii ay ka ahayd inay
u caqli celiyaan dhallinyarada," ayuu yidhi Suldaan Dhawal.
Isaga oo ka hadlay sababaha shaqaaqadan dhaliyay, waxa uu sheegay in xukuumadda lafteedu ay
dhaliilo ku yeelan karto, balse uu qallooca u weyni ka yimi odayaasha iyo xildhibaannada deegaanka
koonfurta Hargeysa oo uu sheegay in taladu ka qalloocatay loona baahnaa in aanu arinkani
gacmahooda dhaafin.
Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal isagoo arrimahaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Mucaarid iyo
muxaafidba cidda lala hadlayo waa in dhaliishooda loo sheegaa. Waxa ay wararku nagu soo
gaadheen in ceelasha riiggu hore ugu jiray biyo laga helay, balse loo baahday qalab riigga ka
maqan, markaa haddii tabasho timi waxa habboonayd in salaadiinta, wasiirrada iyo xildhibaannada
degaankaasi ay xukuumadda kala hadlaan una soo bandhigaan, balse waxa dhacday in arrintii
iyaga dhaaftay oo u gudubtay shacabka. Xukuumadda lafteedu ma dhaliil la'a ee wixii ka khaldan ha
saxaan, waxaanan leeyahay idinkaa ummadda ka masuul ah ee marwalba gacantiinu ha laabnaato,
una tudha shacabkiina tamarta darran. Salaadiintu waa garsoor, ummaddana waa u dhex, waana ta
nagu khasbaysa in aanaan ummadda kala xigtaysan, mana aha inay ummadda kala xigtaystaan,
mana aha in suldaan raali ka noqdo in nabadda wax la yeelo, lana dhaawaco sumacadda ay
Somaliland caalamka ka kasbatay."
Geesta kale, Suldaan Dhawal oo ka hadlayey diyaargarowga hawsha diiwaangelinta
codbixiyeyaasha, waxa uu daboolka ka qaaday inaanay ka salaadiin ahaan oggolaan doonin in
gobolkooda laga bilaabo diiwaangalinta, balse faahfaahin kama bixin sababta ay ku diidan yihiin in
diiwaangelin laga qabto Gobolka Awdal. Waxa kale oo uu xukuumadda u soo jeediyay inay wax u
qabtaan dadka beeralayda ah oo laba dallag beerasho ay ka baabi'isay diirta ku hasbatay, dadkuna
aanay waqtigan awoodin tamar ay mar saddexaad beerahooda ku shinniyeystaan, maadaama
xoolihiina abaaruhu ka dhammeeyeen, inta u hadhayna aanay u iibgelayn, sidaa awgeed waxa uu
xukuumadda ku adkeeyay inay dadkaa si degdeg ah wax ugu qabato, haddii kale loo arki doono
inay ummaddeedii iyadu dayacday."
Suldaan Xasan Xaddi Baade oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi; "Annaga oo aad uga xun kana
murugoonayna dhacdada mudaharaadka ee dadna innaga dhinteen qaarna innagaga
dhaawacmeen, haddana waxa lagama maarmaan ah in wax la is xasuusiyo, waayo waxaad moodaa
inay dhacdadaasi u muuqaal ekaatay arrin dib-u-dhac, kala qoqobnaan iyo gobolaysi innagu keeni
karta, waxaanan ku talinayaa in laga waantoobo waxyaabaha ummadda dareenkooda kala fogayn
kara."
"Wax waa la tirsan karaa, waase in dariiqeeda loo maro, waxaana salaamayaa siyaasiyiinta,
maamulka iyo salaadiinta intooda sida wanaagsan u socoto, inta kalena Ilaahay ha soo haddeeyo,
waxana habboon cidda hadlaysaa inay ka fikirto oo ku hadasho wax ummadda wax u taraya, mana
aha inuu dhibaato abuuro," ayuu yidhi suldaan Baade.
source
Xaraf.net